Sawirro: Wakiilada UN & AU ee Somalia oo Madaxweynaha Hirshabelle kula kulmay Muqdiso

30 okt 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa kula kulmay Muqdiso ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom iyo wakiilka Midowga Afrika Ambassador Fransisco Madeira iyo xubno kale.

Ergayga cusub ee Qaramada Midoobay, Nicholas Haysom ayaa ku guda jira kulankiisii koowaad ee uu la yeelanayo madaxda dowlad goboleedyada dalka, isagoo ku gudo jira xalinta khilaafka dawlad Goboleedtada iyo dawladaa Fadaraalka.

Ergayga ayaa kullankiisaii maanta carrabka ku adkeeyay in guusha dowlad dhisidda Soomaaliya ay ku xirantahay wada shaqeynta Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada.

Warar ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in Madaxweyne Waare uu u gudbiyay Wakiilka Qaramada Midoobey walaaciisa ku aadan xiriirka sii xumaanaya ee dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, isagoo u caddeeyay in Hirshabeelle ay la heshiisay dowladda Federaalka, balse loo baahan yahay in tabashada dowlad goboleedyada qabaan la xaliyo.

 

106c

106c1

106c2
Puntlandes.com

About The Author