Musharax Jabiye oo dawladda Fadaraalka kala shaqaynaya kala furfurka xildhibaanada gollaha Shacabka

30 okt 2018 (Puntlandes) Murashax Maxamuud Khaliif Jabiye oo dawladda Fadaraalka kala shaqaynaya kala furfurka xildhibaanada gollaha Shacabka ee Bararlamaanka JF Soomaaliya.

107a2

Xildhibaanada gollaha ayaa wada Mooshin ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya Maxamed cabdulaahi farmaajo, kaas oo oo hadda si xawli ah ku socda.

Murashax Jabiye ayaa Dowladd kala shaqaynayaa kala furfurka Xildhibaanada maadaama ay isaga iyo dawladdu ku heshiiyeen inuu noqdo musharaxa ay Puntland u wadaan sida ay Lafta Gareen ugu wadaan KGS.

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay Xildhibaano uu Murashax Jabiye lacag ku siiyay inay ka noqdaan saxiixa Mooshinka, waxaana ka mid ah Xildhibaan ay qaraabo yihiin.

Fahad Yaasiin oo ku Xeeldheer Xulashada Madaxweynayaasha Moogayaasha si uu Qalinkooda ugu Shaqeysto, una noqdo ninka daaha gadaashiisa wax ka maamulaya, ayaa Puntland u xushay Murashax Maxamuud Khaliif Jabiye halka uu Koonfur Galbeed na u xushay Wasiir Cabdiasis Xassan Lafta Gareen.

Puntlandes.com

About The Author