Turkiga oo aan ku casuumin Farmaajo xafladda furitaanka Garoonka diyaradaha ee Istanbul

31 okt 2018 (Puntlandes) Dawladda Turkiga ayaa casuuntay 50 madaxweyne oo ka kala socda dalalka caalamka ee ay saaxiibada yihiin dalkaas.

108a

Soomaaliya oo aysan fadhiyin siyasaddeeda arimaha dibadda ayaa marba qar isku qaadaysa, taaso sababtay inay lumiso saaxiibkeedii qaaliga ahaa ee Turkiga.

Dawladda Soomaaliya waxay horay u lumisay waddamadii carabta ee khilaafku kala dhexeeyay Qadar: sida Sucuudiga, Imaraadka iyo Masar. Go,aankii ay Soomaaliya qaadatay oo ay ku magacowday inuu yahay dhexdhexaad ayaa ahaa mid si wayn ugu janjeera dhanka dalka yar ee Qadar.

Sababaha ayaa lagu sheegaa inay tahay sargaalka Fahad Yasin oo  ka tirsan sirdoonka Qadar, kaasoo   Madaxweyneha iyo Ra’iisul wasaaruhu aad ugu dhago nugul yihiin.

 

Dawladda Soomaaliya waxay garab istaagtay Sucuudiga markii ay is khilaafeen dalka Canada, haseyeeshee taageeradaas oo ahayd mid aan cidina ka dalban Soomaaliya wax faa,iido la taaban  karo umasoo jiidin.

 

Midaas waxaa xigay dhacdadii saxafigi Sucuudiga ahaa Jamal Khashoggi ee lagu dilay Qunsuliyadda Sucuudigu ku leeyahay Istanbul.

Kaddib cadaadis lixaad leh oo Sucuudigu kala kulmay caalamka wuxuu u arkay inuu u baahan yahay taageero. Ra’iisul wasaaraha  ayaa lagu casuumay Sucuudiga iyadoo xiriirka labada dal uusan wanaagsanayn. Sucuudigu wuxuu waydiistay taageero siyaasadeed taasoo uu ku baddalanayo sooryo yar oo uu siiyay.

 

Natiijadii waxay noqotay markii uu Ra’iisul wasaarahu kusoo noqday dalka inuu amray in la qoro waraaq lagu taageerayo Sucuudiga, loogana soo horjeeda dadaalada lagu doonayo in Sucuudigu caddeeyo sida falku u dhacay.

 

Turkiga arintaani waxay ku noqotay filanwaa!! Haseyeeshee waxaa laga dareenka Turkiga laga cabbiranayaa inuu Turkigu ka baaqday shirkii Muqdisho lagu qabtay OIC, taasoo uu awal aqbalay inuu yimaado Wasiirkooda Arimaha Dibadda. Tan labaadi waxay tahay inaan MW Farmaajo lagu casuumin xafladdii Furitaanka garoonka aadka u wayn ee Istanbul.

 

Turkigu waxay u arkaan madaxda Soomaalidu inaysan garanayn waxa ka dhalan kara go,aanada ay qaadanayaan. Dhacdadaan oo ah mid xanuun badan ayaa ah faldanbiyeed culus (criminal case) kaasoo xadgudub ku ah binii,aadamnimada, madaxbanaanida Turkiga iyo amnigeeda intaba.

Hadaba waxay Turkigu iswaydiinayaa sidee Soomaaliya ay u taageeri kartaa dulmi xadka dhaafay iyo weliba sida fudud ee ay u dhaawacayaan xiriirkii labada doowladood ee Turki iyo Soomaaliya iyadoo la og yahay caawimaadda hagar la,aanta ah ee Turkigu siiyo Soomaaliya.

Puntlandes.com

About The Author