Akhriso Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo warqad jawaab ah u diray Aqalka Sare

31 okt 2018 (Puntlandes) Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa soo dhoweeyay isku dayga uu hormuudka ka yahay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, kaasoo lagu xalinayo khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

101

Warqad jawaab celin ah oo Goluhu u qoray Aqalka Sare 29-kii bishan October, kaasoo uu ku saxiixnaa C/weli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Puntland ayaa looga jawaabay codsi ka yimid Aqalka sare, kaasoo ahaa inay soo magacaabaan xubno Wasiiro ah oo ka socda dowlad Goboleedyada, kuwaasoo wada hadal la yeesha Xubno Wasiiro ah uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha.

Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa sheegay inuu kalsooni buuxa ku qabo doorka dhex dhexaadinta Aqalka Sare, isla markaana ay u arkaan inay tahay wado lagu gaari karo xal u helida khilaafka.

Hase ahaatee Goluhu wuxuu tilmaamay inuu tixgelinayo soo jeedinta Aqalka sare ee ku aadan in la soo magacaabo xubno Wasiiro ah oo qeyb ka noqda wada hadalada ka dhaca Muqdisho, balse horay Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ay u soo saareen war murtiyeed si faah faahsan u qeexaya xudunta is mariga waaga , kaasoo uu aqalka sare uu nuqul ka haayo, sida lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyn Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa ka codsaday Aqalka Sare inuu wada hadal kala yeesho dowladda Dhexe arrimaha ay tabanayaan, kaddibna wixii go’aan ah ee xal u noqon karo khilaafkan uu soo jeediyo, si uu Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada dhinaciisa u aqbalo.

 

108a1

Puntlandes.com

About The Author