Amaanka Gobolka Mudug Gaar ahaan Xuruntiisa Gaalkacyo oo faraha ka baxay iyo Dawlada Puntland oo Gacmuhu u laaban yihiin

Gaalkacyo (Pes) Waxay ahayd shalay oo ahayd Jimce, 02 jan 2015, markii macalimiin Kenyan ah waxna ka dhigayey Iskuulka Yamayska ee magaalada Gaalkayo lagula eegtay qarax lagu hagayey Hormood kontroll gaari bas ah oo ay la socdeen.Waxaa uu sababay qaraxaasi dhimasho hal ruux iyo dhaawac ah 15 qof. Ilaa iyo hadda ma jirto cid taqaan cida ka dambaysay weerarkan lagu qaaday Macalimiintaas Kenyanka ah ee wax ka dhigayey Iskuulka Yamayska.

Waxaa ka horeeyey arbacadii oo bishu ahayd 31 dec 2014 in laba bam gacmeed lagu weeraray Radio Gaalkacyo waxaa halkaas ku dhaawacmay laba wariye. Ilaa iyo hadda ma jirto cid taqaan cida ka dambaysay weerarkan lagu qaaday Radio Gaalkacyo.

Magaalada Gaalkacyo ayaa jawigeedu bedelan yahay waxaana jirta Cabsi ay dadku nabadgalyadooda u baqayaan. Waxaana xusid mudan in Dawlada uu madaxweynaha ka yahay Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ee loo igmaday in ay sugto Amniga shacabka reer Puntland aan la aqoon waxa ay qabato iyadoo kaba bixi la’ is amaanid aan meelna jirin iyo marin habaabin dadkii isdifaaci lahaa.

Waxaaba intaas oo dhan kaba sii daran iyadoo dhawaan uu imanayo magaalada Cadaado madaxweyne Xasan oo halkaas ku dhisi doona maamul waqooyiga Mudug ee Puntland uu ku darayo Gobolka Galgaduud si BOOB qayaxan ah.

Xukuumadii loo igmaday in ay ilaaliso xuduudaha Puntland na ay Khamiistii 01 jan 2015 soo saartay in aysan dadka ku nool Gobolka Mudug ee Puntland dheg jalaq u siin sheegashada beenta ah ee la sheegandoono in Mudug ka tirsan tahay Galgaduud. Oo yaa awabla xoog ku qabasan lahaa waxaa la samaynayaa Kaarto cusub oo ah in Mudug iyo Galgaduud dawlad yihiine?

Waxaa Shacabka Gobolka Mudug ee aadka u firfircoon la farayaa in ay is abaabulaan kana tashtaan sidii ay danahooda u ilaashan lahaayeen iyagoo maanka ku haya in ay difaacdaan Puntlandnimadooda kana shaqeeyaan sidii ay ugu noolaan lahaayeen amaan iyo in aan dhulkooda la Boobin oo nin kale qaadan.

Puntlandes.com

 

 

About The Author