Xildhibanada KG ma afduub bay ku joogayaan Muqdisho?

Waxaa magaalada Muqdisho ay Xukuumadda Soomaaliya ku soo daadguraysay Ilaa 85 xildhibaan oo ka tirsan Baarlaamnak Koonfur Galbeed, kuwasoo lagu soo sasabay lacag iyo ballan qaadyo kale oo lagu qaldayo.

Xukumaddu qorshaha ay wadato waa inay xildhibanadaas ku hayaan Mogadishu ilaa inta doorashada laga gaarayo, si ay codka u bixiyaan iyagoon la kulmin musharixiinta kale.

Xildhibanada ayaan ikhtiyaar u lahayn inay Garoonka Muqdisho ka dhoofaan oo ay ku noqdaan Baydhabo, mana jiro dariiq kale oo ay Baydhabo ku gaari karaan maadaama aan jidka la mari karin.

Ku tagri falka awoodda dowladnimada ee ay caadaysteen madaxda xukunka Federaalka haysaa, waa mid horseedi karta burbur hor leh iyo amni darro baahsan oo kasoo cusboonaata maamaladdii xasiloonaa.

Waxay isticmaalayaan musuqmaasuq heerkii ugu sarreeyay abid taariikhda Soomaliya taasoo ay u adeegsanayaan marooqsiga awoodaha heer dawlad goboleed iyo heer Federaal intaba.

Lacaga xad dhaafka ah ee sida sharci darrada ah ay Qadar ugusoo waariddo Soomaaliya ayaan haba yaraatee loo isticmaalin in anniga dalka wax lagaga qabto ama lagu fuliyo mashaariic horumarineed oo dalka iyo dadkuba ay baahi wayn u qabaan.

Burburinta dawlad Goboleedyada ayaa ah mashruuca ugu wayn ee lacagta Qatar loo isticmaalayo.

Doorasha foodda inagusoo haysa ee KG ayaa go,aaminaysa inuu mashruuca burburintu sii socon karo iyo in kale.

Dowladda Federaalku waxay xoog iyo xeelba isugu gaynaysaa siday ugu adkaan lahayd doorashadaas guushuna ku raaci lahayd musharaha aan ka turjumayn rabitaanka shacabka KG ee ay iyagu wataan.

Xildhibaanada ay Muqdisho kusoo ururiyeen ayaa cadadkoodu gaaraya 85 xildhibaan taasoo looga golleeyahay inay ku guulaysan karaan hadday codka wada siiyaan.

Waxaa la is waydiinayaa lacagta, ballan qaadyada mugdigu ku jiro iyo cago juglayntu ma noqonayaan kuwo xildhibaanada dhaxalsiiya inay codkooda dhaafsadaan. Xildhibaanadu waxay dareemayaan bahdil, magac-xumo iyo xorriyad la,aan.

Sidii laga bartay doorashooyinkii dalka horay ugasoo dhacay, si kastoo qofka loo jajuubo isagaa iska leh go,aanka ugu danbeeya ee codkiisa maada qaabka codka loo bixinayaa uu qarsoodi yahay.

Waxaa kaloo caqabad noqonaysa madasha doorashada oo ay kasoo qayb geli doonaan wufuud ka kala imaanaysa dal iyo dibadba.

 

Ali Jam

About The Author