Sawirro: Xaaf & Sheekh Shaakir oo u tagey Gaalkacyo inay la kulmaan Ergeyga Qaramada Midoobay kadib..

04 Nov 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geel Xaaf iyo Madaxa Xukuumada Maamulkaas Axmed Shaakir Cali ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo kadib markii magaalada Dhuusomareeb loo diiday in ay gaaraan gaadiidka Qaramada Midoobay.

Magaalada Cadaado ayaa loo diiday inay ka soo gudbaan gaadiidka Qaramada Midoobay ee aan rasaasta Karin kuwaasoo la doonayay inay isticmaalaan wafdiga uu horkacayo ergeyga gaarka ee Qaramada Midoobay Nickolas Haysom.

Xaaf iyo Shiikh Shaakir ayaa u duulaan magaalada Gaalkacyo si ay ugula kulmaan ergeyga Qaramada Midoobay Haysom, oo wada dadaalo uu ku doonayo in uu ku dhexdhexaadiyo Madaxda dawlad goboleedyada dalka iyo Dowlada Federaalka.

La kulanka madxda Galmudug ayaa noqonaysa safarkiisa ugu dambeeya ee xalinta khilaafka dowlada federaalka iyo dawlad goboleedyada isagoo hore u soo booqday magaalooyinka Kismaayo, Baydhabo iyo Garowe  lana kulmay madaxwenayaasha Jubaland, KGS iyo Puntland.

 


Puntlandes.com

About The Author