Gudoonka waxbarashada gobalka Mudug oo qabanaya Tartan aqooneedka Ardayda gobalka Mudug

Guddoonka waxbarashada gobalka Mudug, degmada Galkacyo,koormeerayaasha iyo maamulayaasha dugsiyada dhexe iyo sare ee degmada Gaalkacyo ayaa ka arinsaday sidii tayada waxbarashada iyo dhiirigalinta ardayda loo samayn lahaa, waxay wada go’aan sadeen in tartan aqooneed loo qabto dugsiyada dhexe iyo sare ee degmada Galkacyo.

Yaa ka qaybkagalaya

1- Dugsiyada sare ee leh F-1 ilaa F-4
2- Dugsiyada dhexe ee fasalka 4aad ilaa 8 aad.

Muxuu ka koobnaan doonaa:-

1- Diini
2- Maadi ( manhajka Puntland, Soomaaliya)
3- Cibro qaadasho iyo Waanooyin
4- Gabayo dhextaal ah
5- Muujinta macaanka diinta Islaamka

Waa fursad lagu soo bandigayo:-

1- Tayada dugsiyada
2- Hab dhaqanka ardayda
3- Kalsoonida Ardayda
4- Bisaylka bahda waxbarashada.

Natiijada la rabo in ay ka soo baxdo

1- Arday dhiiran oo maskax furan
2- Dugsiyo arday tartami kara soo saaraya
3- Isku xirnaan ardayda iyo dugsiyada degmada.
4- Muqaalka ardayga wanaagsan
5- Sharfida iyo wayneenta Macalinka
6- Dugsiga noqonaya hogaamiyaha dugsiyada, degmada Galkacyo

Goobta iyo xiliga

Goobtu waa Hoolka Dugsiga Sare ee Cumar Samater. Wuxuu bilaabanayaa 17/Dec/2018 ilaa 03/Jan/2019.

Yaa maalgalinaya

Waa isku tashi bahda waxbarashada, waana fikir iyo talo guud ahaan ka timid bahda waxbarashada.

Yaa Qabanaya

1- Qaban qaabada iyo habsami u socodku waa Gudoonka Gobalka, Degmada iyo Maamulayaasha.
2- Su’aal diyaarin iyo dhexdhexaadnimana waa macalimiinta khibrada sare leh ee Puntland, oo kuwa Mudug waxba ooga jirin.

Waa hadafka
” Goob Walba Qalinku Waa Inuu Gaaraa”.

W/Q Axmed Huruuse Xaashi
Gudoonka Waxbarashada Gobbalka Mudug

Puntlandes.com

About The Author