Sawirro: Mukhtaar Roobow oo noqday Musharaxii ugu horreeyay ee Isdiwaan geliya

05 Nov 2018 (Puntlandes) Musharaxii ugu horreeyay ee isdiwaan geliya doorashada madaxweynaha ee Koonfur Galbeed waxaa noqday Mukhtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur oo horay dowladda Soomaaliya ay ugu diiday in uu ka qeyb galo doorashadda Madaxtinimada Soomaaliya.

Guddiga doorashadda Koonfur Galbeed ayaa u ogolaaday Mukhtaar Rooboow in uu ka mid noqdo Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimadda Maamulka Koonfur Galbeed.

Waxaa uu sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo in uu noqdo Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, halka ay Dowladda Soomaaliya horay u sheegtay in Roobow wali saaran yihiin Xayiraadii la saaray xilligii uu ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab.


Puntlandes.com

About The Author