Uhuru Kenyata “Ciidamadeena kama bixi doonaan Somalia xataa haddii ay Amisom ka baxdo”

Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ay AMISOM inteeda kale uga dambeyn doonaan Soomaaliya marka la gaaro 2020ka.

Madaxweyne Uhuru oo ka hadlayay munaasibad tababar loogu xirayey Ciidan cusub oo ay dowladda Kenya qoratay ayaa sheegay in Dowladda Kenya ay dooneyso in Ciidanka AMISOM aysan ka bixin Soomaaliya 2020ka.

Waxaa uu sheegay in haddii AMISOM ay ku adkeysato qorshaheeda ka bixidda AMISOM ee Soomaaliya ay dowladda Kenya baaqi sii ahaaneyso inta ay Soomaaliya ka xasileyso.

‘Kenya waxaa ay dooneysaa in qorshaha dib loo dhigo,haddii ay dhiciweyso isma dhiibeyno , ilaa dalkeenna, deriskeenna iyo Gobolkeenna uu nabad iyo xasillooni ka hela waan sii wadeynaa dagaalka ka dhanka ah argagixisada’ ayuu yiri Mr Kenyatta oo Ciidanka cusub kula hadlay xero Milatari oo ku taalla Eldoret.

About The Author