Abiy Ahmed “Eritrea, Ethiopia & Somalia waxay yeelan doonaan hal madaxweyne”

10 nov 2018 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in Geeska Afrika ay yeelan doonaan hal madaxweyne halka ay hadda leeyihiin Saddex Madaxweyne xilli uu khudbad ka jeedinayay munaasabad lagu furayay isbitaal magaalada Bahir Dar.

Xilliga uu khudbada jeedinayay ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynayaasha wadamada Soomaaliya iyo Eritrea oo ka qeybgalay shir saddex geesood ah oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Bahir Dar, kaasoo ay ku heshiiyeen in la isku daro sadaexdaas dal.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa sheegay xilli uu ka hadlayay magaalada Gondor in Taariikhda Geeska Afrika ay isbedeshay.

“Hadda waxa aan u dhaqaaqeynaa wax wada qabsi goboleed taasoo lagu horumarinayo dhaqaalaha si loo xaqiijiyo in saboolnimada laga baxo.”

Halkan ka akhriso qoraal luuqada Ingisiiska ku qoran oo saxaafadda Eritrea ka qortay

Halkana ka akhriso Itoobiya oo qorsheyneysa inay Saldhig Ciidamada Badda ah ka dhisato Badda Cas & Badweynta Hindiya

Madaxweyne Farmaajo awood dastuuri ah ma u leeyahay inuu dalka Soomaaliya ku daro Itoobiya?

Wax malaga waydiin doonaa oo afti ma laga qaadi doonoo shacabka Soomaaliyeed inay ku biirayaan Itoobiya iyo in kale?

Puntlandes.com

About The Author