Golaha Shacabka Oo Wasiir Beyle Ka Dalbaday Inuu Faah-faahiyo Ujeedka $22 Milyan

13 nov 2018 (Puntlandes) Wasiirka maaliyadda ee JFS Cabdiraxmaan Beyle ayaa golaha shacabka ka dalbaday inay ansixiyaan $22 Milyan oo degdeg ah oo mushaarka ciidanka ah kadib markii dalalkii bixin jiray ay jareen.

Wasiir Beyle oo arrintaas ka hadlayey ayaa yiri“Sida aad ogtihiin ciidamo ku dhawaad ilaa 8,000 oo askari ayaa mushaarkooda waxaa bixin jiray dowlado kale,  dowladihaasina waa ay joojiyeen lacagahaas ay ciidanka ku bixin jireen, waxa ayna  noqotay annaga inay nagu soo wareegto,   waxa ayna noqotay inaan samayno waxa aan sameyn karno, aanana wax uraadino, marka lacagbaa ku soo biirtay misaaniyadii sanadkaan 2019ka,  cadadkeeduna waxa uu gaarayaa 17milyan,  cadeentana waxa ay ku cadahay warqadii aan idiin soo gudbinay ama dheeli tirka 17milyan ayuu nuxuxkeedu yahay”

Dhinaca kale waxaa uu Beyle sheegay 5.5 milyan Oo RCF “Waxaa kaloo jira lacagaha RCF oo aad kawada warheysaan worldbank –ka,  qoladan shirka ka imaanaysa  kuwaas oo aan miisaaniyadda noogu jirin oo ilaa 5.5 milyon ah, 5.5milyan waa inay ka muuqdaan maaliyada waraaqadeena , waan u baahanahay labadas arrimood, kaliya ayaan maanta ajandaheenu ku kooban yahay, waxaan u baahanahay in ciidankii mushaarkoodii isu taagno, sidaan u bixin laheen adinkoo aad umahadsan sharafweyna aniga iga mudan iyo wasaaradda maaliyada in intaas yare qajacdaa aad noo ansixisaan maantaoo aanan isugu soo noqon “

Xildhibaannada golaha shacabka oo goobta ka hadlay ayaa ogolaaday in ciidamo mushaar la siiyo, iyaga oo su’aalo badan ka keenay, halka ay joogaan ciidamadaasi, kuwa ay yihiin, qoodada ka maqan midkiiba waa imisa iyo guud ahaan tiradooda, su’aalahaas oo aanu ka jawaabin wasiir Beyle.

Puntlandes.com

About The Author