UK oo ka mid ah dalalka ka dambeeya inay dawlada Federaalku ka mid noqoto Isbaheysiga saddex geesoodka

15 Nov 2018 (Puntlandes) Waxaa soo baxay in dowladda UK ay ka mid tahay dalalka ku riixaya in madaxweyanaha Soomaaliya inuu ka mid noqdo isbaheysiga saddex geesoodka ee dalalka Itoobiya, Soomaaliya iyo Eritrea ee dhowaan sameysmay.

Isbaheysiga saddex geesoodka ayey shaki weyn ka muujiyeen shacabka Soomaaliyeed iyagoon rabin inay la midoobaan dalka Itoobiya, iyadoo aan faah faahin badan laga helin, hase ahaatee Safiirka UK u qaabilsan Soomaaliya David Concar ayaa ku bogaadiyay Madaxweyne Farmaajo heshiiska iskaashi uu la yeeshay Eritrea iyo Ethiopia.

Qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay Safiirka UK ee Soomaaliya David Concar ayuu uga mahadceliyay Madaxweyne Farmaajo oo shalay ku qaabilay Villa Somalia.

“Waxaan ka wad ahadlnay horumarka arrimaha siyaasadda iyo Amniga ee Soomaaliya. Waxaan uga mahadceliyey dadaallada uu ku bixinayo nabadda iyo isku xirka Gobolka ee ku timid isku xirka heshiiska iskaashi ee uu la yeeshay Itoobiya iyo Eritrea”ayuu yiri safiirka UK oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Arrintan ayaa imaaneysa, iyadoo xeel dheerayaal badan oo arrimaha Geeska Afrika ka hadla ay sheegeen in dalal waa weyn ay ka danbeeyaan isbedelka ka socda dalka Ethiopia.

Puntlandes.com

About The Author