Taliyaha Xoogga dalka oo sheegay in maamul xumo & Musuqmaasuq ka jirto Hoggaanka Saadka

15 Nov 2018 (Puntlandes) Taliyaha Xoogga dalka Soomaaliya Gen. Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa ka hadlay ciidamo Milateri oo baabuur fara badan ku xayiray inta u dhaxeysa Afgooye iyo Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoo gaadiidka ku soo rogay inay bixiyaan lacago fara badan oo baad ah.

Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in ciidamadaas ay ka tirsan yihiin Milateriga Soomaaliya, isla markaana aanay dhowr bilood qaadan wax mushaar ah.

Taliye Indha Qarshe ayaa sheegay in ciidankaas aanay ka tirsaneyn xoogga dalka, isla markaana ay yihiin kuwo dareyska ciidanka wata, waxaana uu eedeyn kulul u jeediyay Hoggaanka Saadka Ciidamada.

“Dhibka ugu weyn waa Tuutaha, nin walba oo jidka la taagan yahay, maanta waxaa Wadada Afgooye iyo Wanlaweyn ka taagan in baabuuro fara badan ay ku xayiran yihiin, dadkaas askar ma ahan, badankood tuuto ayay wataan, haddii aysan Milateri aheyn sidee ayay ku laheyn tuutaha, waxay ka mid tahay maamul xumada ka jirta Hoggaanka Saadka”ayuu yiri Jen. Indha Qarshe.

Indha Qarshe ayaa sheegay in loo baahan yahay in Hoggaanka Saadka ay xaqiijiyeen in aysan siin Tuutaha ciidanka, isla markaana loo baahan yahay inay xafidaan dharka iyo raashinka ciidanka.

“Hoggaanka Saadka iyo Laamaha Saadka waxaa laga rabaa in raashinka, dharka iyo qalabka inay siiyaan Unugyada ciidanka, waa in bakhaarada ay ku jiraan dharka iyo qalabka ciidanka ay xafidaan, anaga ayay dhaawac nagu tahay nin tuug ah oo dharka ciidanka wato inuu wadada istaago oo isbaaro dhigto, isagoo dharkii ciidanka xoogga dalka ku labisan”ayuu yiri Jen. Indha Qarshe.

In ka badan 200 oo gaadiid xamuul ah oo ku sii jeeda Gobolada Koofurta Soomaaliya ayaa ku xayiran duleedka Afgooye, waxaa gaadiidkaas lagu soo rogay midkiiba inuu bixiyo lacag gaareysa $5000 oo dollar.

Puntlandes.com

About The Author