Goorma ayey dhacaysaa Doorashada Madaxweynaha Koofurgalbeed

15 Nov 2018 (Puntlandes) Guddiga joogtada ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa kulan ay maanta ku yeesheenmagaalada Baydhabo waxa ay ugaga hadleen doorashadii lagu waday inay ka dhacdo magaalada Baydhabo 17ka bishan.

Guddiga kulmay ayaa ugu dambeyntii waxa ay isku raaceen in dib loo dhigo doorashada isla markaana la dhamaystiro guddiga doorashada oo hore ay iska casileen xubno ka mid ahaa.

17ka bishan oo ku beegan maalinta Sabtida ah ee soo socota ayaa la go’aamiyay in la dhamaystiro guddiga doorashada isla markaana la qabto doorashada 28ka bishan November.

Qorshihii doorashada Madaxtinimada Koofurgalbeed ayaa dib u dhac ku yimid kadib markii dhowaan ay iscasileen xubno ka mid ah guddiga doorashada sidoo kalna uu is casilay Madaxweynihii Maamulka Koofurgalbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Puntlandes.com

About The Author