Xil Fiqi oo sheegay in weerarkii Hotel Saxafi uu ahaa shirqool lagu dili rabay Xildhibaano

15 Nov 2018 (Puntlandes) Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay weerarkii jimcihii la soo dhaafay lagu soo qaaday Hotel Saxafi uu ahaa shirqool la rabay in lagu dilay Xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan dowladda oo degenaa Hotelka.

Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in Xukuumadda iyo hay’adaheeda amniga ay ka sugayeen inay war ka soo saaraan weerarkaas xajmiga leh, balse nasiib darro aanay taas dhicin sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan Fiqi ayaa yiri “Waxaa sugeynay dowladda aan ka tirsanahay, Xukuumadda iyo hay’adaheeda Amniga muddo todobaad ah inay ka soo saaraan wax war ah arrinta weerarka xooggan oo mid la mid ah uusan ka dhicin Muqdisho, wuxuu ahaa weerar saddex geesood ah oo markii koowaad uu ka dhaco Muqdisho, weerarka xajmigaas leh dad ku dhow 50 xildhibaano iyo Senator isugu jira iyo saraakiil waa weyn goobta ay deganaayeen oo goob ka muhiimsan aysan jirin in illaa iyo hadda dowladda iyo Xukuumadda in aanay war ka soo saarin arrintaas waa ayaan darro weyn”

Xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay in baaritaan ay ku soo ogaadeen in kooxdii weerarka fulisay ee Alshabaab ka tirsanayd ay wateen dharkii ugu dambeeyay ciidanka, iyo hubkii ugu dambeeyay ee dowladda soo gaaray oo ka yimid Jabuuti.

Xildhibaanka ayaa yiri “Shirqool la rabay in nagula dilo ayuu ahaa, oo dharkana iyo qoryaha dowladda ay yihiin qofka dhexda ku jira nagula sheegay inuu Shabaab yahay, marka  weerar labo dhinac ah ayaa nagu dhacay haddaan nahay dadkii halkaas degenaa oo xildhibaanada ahaa iyo dadkii kaleba”

Weerarkii qaraxyada ahaa ee jimcihii la soo dhaafay lagu qaaday Hotel Saxafi ayaa ahaa weerarkii ugu khasaaraha badnaa, kaddib qaraxii Isgoyska Zoobe sanad ka hor, weerarka saxafi oo ahaa qaraxyo is xigay ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan 50 ruux, halka boqol kalena ku dhaawacmeen.

Puntlandes.com

About The Author