Baarlamaanka Koofurgalbeed oo ansixiyay xubno lagu dhamaystirey guddiga doorashada

17 Nov 2018 (Puntlandes) Xildhibaanada Baarlamaanka Koofurgalbeed ayaa kulan ay maanta yeesheen waxay cod aqlabiyad ah oo gacan taag ah ku ansixiyeen xubnaha lagu dhameystirayey Guddiga Doorashada Madaxweynaha Koofurgalbeed.

Fadhiga Xildhibaanada ayaa waxaa xaadir ku ahaa Xildhibaano gaaraya 138, Xildhibaan, waxaana u codeeyay 134 Xildhibaan oo cod gacan taag ah ugu codeeyay, waxaa diiday laba Xildhibaan, halka laba kalena ay ka aamuseen.

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo ay maanta ansixiyeen Xildhibaanada maamulkaasi xubnaha lagu soo kordhiyay ayaa laga sugayaa dardar gelinta doorashadaasi xiligeeda ka dib martay ka dib markii xubno dhowr ah oo guddigaasi ka mid ahaa ay is casileen.

28ka bishan November ayaa la filayaa in ay ka dhacdo doorasahada Madaxweynaha Maamulka Koofurgalbeed iyadoo doorashadaa uu dib u dhac ku yimid.

Puntlandes.com

About The Author