Sawirro: Farmaajo oo Xerada Xalane kaga guddoomay waraaqaha aqoonsiga Safiirka Mareykanka

17 Nov 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Mareykanka u soo magacaabay Soomaaliya Amb. Donald Yamamoto.

Madaxweyne Farmaajo ayaa looga yeeray xarunta Xalane oo ku taal xeyndaabka sida weyn loo ilaaliyo ee garoonka diyaaradaja Muqdisho, halkaasoo wada hadalo kula qaatay Amb. Donald Yamamoto uuna kaga gudoomay waraaqaha aqoonsiga.

Barta Twitterka ee Villa Somalia ayaa la soo dhigay qoraal kooban iyo sawirada Madaxweynaha oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomaya Donald Yamamoto.

Diblomaasiyiinta Mareykanka ayaan loo ogoleyn inay soo dhaafaan garoonka diyaaradaha Muqdisho amniga dartiis, waana tan keentay in Madaxweynaha uu ugu tago Xarunta Xalane Amb. Yamamoto, halkii ay aheyd inuu Madaxtooyada ku qaabilo oo uu waraaqaha aqoonsiga kaga guddoomo.

Waa markii u horeysay Madaxweyne Soomaaliyeed oo waraaqo aqoonsi uu Safaarad dhexdeeda uu waraaqo aqoonsi kaga guddoomay Safiir dal kale dal wakiil ah

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya C/salaan Hadliye ayaa sanadkii 2016 waraaqaha aqoonsiga waxaa uu safaaradda Mareykanka ee Xalane kaga guddoomay Safiirkii hore Mareykanka ee Soomaaliy Micheal Schwartz oo sanadki hore is casilay.

Puntlandes.com

About The Author