Madaxweynaha Puntland oo Kala Diray Golaha Dagaanka Degmada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xeer Madaxweyne Lr. 175, November 17 2018, ku kala diray Golaha Dagaanka Degmada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu tixgeliyey: Tala soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudahada, Dowladdaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga.

Markay caddaatay: in ay hanan-waayeen shaqadii loo igmaday.

Wuxuu Xeeriyey.

1. Waxaa la kala diray Golaha Dagaanka Degmada Gaalkacyo.

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

-DHAMMAAD-

About The Author