ILA QOSOL: Dowlada Soomaaliya oo soo dhoweysay baaritaanka dawladda Sacuudida ee dilkii Jamal Khashoggi

17 Nov 2018 (Puntlandes) Qoraal ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibbada dowlada Federalka ayaa lagu sheegay in Dowlada Soomaaliya ay soo dhoweyneyso baaritaanka ay Boqortoyada Sacudi Carabiya ee dilkii Jamal Khashoggi.

Qoraalkan ka soo baxay maanta Wasaarada Arrimaha Dibbada Soomaaliya. ayaa lagu yiri “Soomaaliya waxa ay u aragtaa tallaabo hore loo qaaday in la helo xaqiiqda dhabta ah ee ka dambeysa dilka Jamal Khashoggi.”

Boqortoyada Sacudi Carabiya ayaa  dacwad oogaheeda waxa uu dhowaan sheegay  in dilka Jamal khashoggi ay ka dambeeyeen shan ruux oo ka mid ahayd koox ka koobneyd 18 ruux oo tagey magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Dacwad oogaha ayaa codsaday in dil qoor-goyn ah lagu xukumo shantaa ruux oo ka mid ah sirdoonka dalka Sacudi Carabiya.

Dhanka kale CIA, hay’adda sirddoonka Mareykanka ayaa waxay cadaysay inuu dilkaas si toos ah uga dambeeyey dhaxal sugaha dalka sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uuna kasoo baxay amarka lagu dilay weriye Jamaal Kaashugji, sida laga soo xigtay warbaahinta Mareykanka.

Akhriso qoraalka dawladda Soomaaliya

 

Puntlandes.com

 

About The Author