Madaxwayne Cagjar oo Cali Guray u magacaabay Lataliyihiisa dhanka amniga

18 Nov 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Mustafe Maxamuud Cumar (Cagjar) ayaa siyaasi Cali Guray u magacaabay la taliyahiisa dhanka amniga.

Lataliyaha madaxwaynaha Cali Guray ayaa ah siyaasi ruug cadaa ah, isagoo s oo qabtay xilal kala duwan wuxuuna caan ku ahaa mudooyinkii uu xilalka kala duwan soo qabtay nin aan la gaban aragtidiisa si toos ahna u cabira.

 

Waa kuma Cali Guray?

  • Dugsiga Hoose/dhexe wuxuu ku qaatay magaalada wardheer ee xarunta gobolka Doollo.
  • Cali waxa uu dugsiga Sare uga baxay magaalada Harar sanadkii 1984tii.
  • Sanadkii 1987kii wuxuu ku qaatay  Diploma Public Adminstration. Wuxuu ka shaqo  bilaabay Customka Wardheeer
  • Kadib isbedelkii 1991 wuxuu qayb wayn ka qaatay dhismihii Xisbiga, wuxuuna 1993kii kusoo baxay Xildhibaan heer Deegaan ah.
  •  Cali Guray wuxuu nonqday labo jeer Xildhibaan heer Deegaan 1995 -2000-2005 hal marna wuxuu noqday heer Federaal 2005-2010.
  • Sanadihii 1996- 1998kii Cali wuxuu noqday Gudoomiyaha gobolka Doollo.
  • Sanadihii 1999 – 2000kii wuxuu noqday Gudoomiyaha Qoraxay,
  • Cali wuxuu xilal hogaamineed ka qabtay XDSHSI
  • Sanadihii 1997 – 2000kii wuxuu noqday madaxa xarunta dhexe ee Xisbiga ahna xubin ka ka mid ah guddiga fulinta .
  • Sanadihii 2000-2002kii wuxuu noqday  madaxa arimaha siyaasadda
  • Sanadihii 1995 -2010kii wuxuu noqday xubin ka mid ah golaha dhexe ee xisbiga
  • Cali intii uu ahaa Xildhibaan Federaala ah wuxuu ka mid noqday guddiyo kala duwan sida Gudoomiyaha guddiga Warshadaha iyo
  • Cali wuxuu ahaa Afhayeenka golaha shanta Kilil ee Afarta, Soomaalida, Hararida, Gambela iyo Binshangulaka.

Puntlandes.com

About The Author