Dhagayso: Madaxweynaha Puntland Gaas oo ka hadlay waxqabadkiisa, Amniga, Tukaraq, khilaafka DFS & arimo kale xasaasi ah

21 Nov 2018  (Puntlandes)  Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo waraysi dheer siiyey madasha 60 ayaa ka hadlay waxqabadka xukuumadiisa, Amniga, Tukaraq, Doorashada Puntland, khilaafka DFS & arimo kale xasaasi ah.

Madaxweyne Dr Gaas ayaa sheegay inuu xooga saaray mudadii uu xilka hayey sidii looga dhisi lahaa Puntland kaabayaasha dhaqaalaha wuxuu yiri ”Puntland wax badan oo hurumar ah ayaa ka socda oo ka hirgalay, waxaa ka hirgalay kaabayaal dhaqaale oo tiro badan oo Garoomo leh, Dekeddo shaqo ka bilaabanayso Bosaso iyo garacad, Laamiyo, magaalooyin gudohood iyo kuwo magaalooyinka dalka isku xira, ama ha noqonoto dhul waligiis aan la tagin oo aan wax mashaariic horumarineed ka hirgelin… oo gaari waa ahaan jiray oo maanta horumar ah jidad, Ceelal biyood Iskuulo iyo Caafifaad leh ay ka socdaan..”

Madaxweyne Dr Gaas ayaa intaas kusii daray wuxuuna sheegay in maalintii uu xilka Puntland la wareehay aysan Puntland lahayn hal Garoon oo diyaaradeed oo hal diyaarad oo Jet ah ay kasoo degi karto maantana labo Garoon oo Caalami ah ayey leedahay Puntland, waa Bosaso iyo Garowe kii sadexdaadna waa bilow dhismihiisu oo gacantaa lagu hayaa waa Gaalkacyo.

Dhagayso waraysiga oo dhamaystiran

Puntlandes.com

About The Author