Sawirro: Xassan Sheekh oo kulan la qaatay Odeyaasha dhaqanka Jubbaland.

21 Nov 2018  (Puntlandes) Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya hadana ah Guddoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka Xassan Sheekh ayaa kulan KJismayo kula qaatay Odeyaasha dhaqanka Jubbaland.

Kulanka oo ka dhacay guriga martida Jubbaland ee  ayaa muhiimaddiisu ahayd salaan iyo is-xogwaraysi kooban oo dhexmaray Odeyaasha iyo Madaxweynahii hore ee dalka.

Salaan iyo is-marxabayn kaddib waxaa hadalka bilaabay islamarkaana ujeedka kulanka iyo muhiimaddiisa ka hadlay Xildhibaan Xassan Sheekh Maxamuud Madaxweyahii hore ee dalka, wuxuuna ku dheeraaday ka hadalka marxaladahii kala duwanaa ee dalku soo maray iyo aragtidiisa ku aadan samabixinta dalka iyada oo laga shaqaynaayo nabadda iyo horumarka dalka.

Mudane Xassan Sheekh ayaa markii uu la hadlaayey Odeyaasha waxa uu Jubbaland ku tilmaamay in ay tahay Dowlad-goboleedka keliya ee kulmisay dhamaan dadka Soomaaliyeed.

Ugaas Cumar Xiiray Afhayeenka Salaadiinta Jubbaland oo ayaa bogaadiyay howlaha hadda uu dalka ka wado Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xassan Sheikh Maxamuud wuxuuna sheegay in ay garab taagan yihiin.

Mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo maalintii Isniinta ee 19-kii bishaan soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa kulamo kala duwan la qaatay madaxda Dowlad-goboleedka Jubbaland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.


Puntlandes.com

About The Author