Warbixin-Xog: Ma saanaa Horumarkii, Cadaaladii iyo Isla Xisaabtanka Dr Gaas? Qaybtii 2aad

Warbaahinta madaxabanaan ee Puntlandes.com waxay horay indiinku soo gudbisay Qoraalkii koowaad oo aanu ku soo qaadanay Xisaabiyaha Guud Maaliyada Gobalka Mudug.

Waa kuwa kooxda haysataa Gobolka iyo Xaruntiisa?

 

2- Maareeyaha Airporka abdullahi yusuf ee Magaalada Gaalkayo

699

Magaca:  Siciid Cabdiraxmaan Yuusuf  (Dhagaweyne)

Jufadiisa/Qabiilkiisa: Jufada reer Mahad/Cumar Maxamuud.

Mr Dhagaweyne wuxuu xilka hayey ilaa iyo markay dhacday dawladii uu hogaaminyey Siyaad Barre 1991 waa in ka badan 23 sano. Mr Dhagaweyne waxaa gacantiisa soo gala dhaqaale aad iyo aad u tiro badan Waa Canshuurtii laga qaaday dadka ka soo dega ama ka dhoofa Garoonka diyaaradaha Cabdulahi Yusuf airport ee magaalada Gaalkacyo wuxuuna Mr Dhagaweyne u isticmaalayo sidii wax uu isagu leeyahay. Mr Dhagaweyne aqoon ahaan miyiga ayuu wuxuu ka aaday Jamhadii SSDF markii dawladii Siyaad Bare dhacdayna wuxuu noqday Mareeyaha Airporka Gaalkacyo. Mr Dhagaweyne ilaa iyo hada wax uu qabtay majirto cid la Xisaabtantaana ma jirto. Garoonku waa dayacan yahay malaha xataa Caffeteria ama Maqaaxi. Soomaalidaa tiraahda ”Baadi kugu raagtay Xoolahaagaad Moodaa” Mr Dhagaweyne wuxuu u haystaa in uu leeyahay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo oo ah Hanti ummaddeed. Mr Dhagaweyne waa nin aad u Musuqmaasuq badan kumana imaan xilkan aqoon ee waxaa 23 sano ka hor u magacaabay madaxweynihii hore ee Puntland Allaha u Naxariistee Cabdulaahi Yuusuf.

327

Mr Dhagaweyne waxay isku Koox yihiin oo ay isku Jaal yihiin ninka ugu awooda badan Gobolka Mr Gaadayare.

322

Aduunka lama arag Gobol iyo Magaalo ilaha dhaqaalaha iyo Hantidii ummadda ka dhexeeysay ay shaqsiyaad leeyiin sida ka socota Gobolka Mudug iyo Xaruntiisa Gaalkacyo.

326

Aaway Cadaaladuu sheegayey Gaas? Aaway Horumarkuu sheegayey? Sidaan Gobolka Mudug Horumar mak u gaari karaa?

 

La soco qaybta sedexaad oo Puntlandes.com idiin soo gudbindoonto. Haddii Allah imdo

Puntlandes.com

About The Author