Akhriso Guddoonka Golaha Shacabka oo kala diray Guddiga Miisaaniyada, Maalliyadda,Qorsheynta iyo La Xisaabtanka ee Golaha

28 Nov 2018 (Puntlandes) Qoraal ka soo baxay Kusimaha Guddoomiyaha Baarlamaanka ahna Guddoomiye kuxigeenka 1aad ayaa lagu kala diray Guddiga, iyadoo guddigu sheegay inuu soo dhisi doono Guddi cusub.

Tallaabadan ayaa muujineysa inay sabab u tahay saameynti iyo doodii ka dhalatay warbixintii Guddiga Maaliyadda ka soo saareen musuq maasuq lagu sameeyay miisaaniyadda dalka.

Kala dirista Guddigan ayaa waxaa ka dambeeyey Xukuumadda Khayre, kaddib markii ay kala kulantay Guddiga Maaliyadda cadaadis.

Waa markii u horeysay taariikhda ee Guddoonka Golaha shacabka kala diro Guddi ka mid ah Golaha oo u xilsaaran la xisaabtanka hey’adaha dowladda, waxayna muujinsysaa inay xukuumada doonayn in golaha shacabku la xisaabtamo.

Puntlandes.com

About The Author