C/llaahi Maxamed Nuur “48-kii saac ee la soo dhaafay fariimo handadaad ah ayaa iga soo gaarayay Xukuumadda”

28 Nov 2018 (Puntlandes) Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur oo ah Xoghayahii Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka oo maanta la kala diray ayaa sheegay in farriimo handadaad ah ay soo gaarayeen 48-kii saac ee la soo dhaafay.

Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in farriimaha handadaada uu kala kulmayay dhanka Xukuumadda Khayre, isagoo xusay in loogu hanjabayay inuu faraha kala baxo arrimaha maaliyadda dalka iyo doodii ka dhalatay warbixin Miisaaniyadda sanadka ee Guddiga Maaliyadda soo saaray.

Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur ayaa yir “48-kii saac ee la soo dhaafay waxaa isoo gaaray illaa shan farriimood oo qaarkood si bareer ah aniga la igala hor-yimid iyo kuwo meelo kale la isoo marinayay, farriimahaas waxay nooga imaanayeen Xukuumadda”

Waxaa uu sheegay in hey’adaha ay quseyso uu la wadaagay farriimahaas, isagana uu ka qaatay go’aan sida uu hadalka u dhigay.

Daawo muuqaalka Xildhibaanka oo ka hadlayey hanjabaada uga timid Xukuumadda


Puntlandes.com

About The Author