Wasiir Khadiijo “Imaanshaha Guddoomiye Mursal waxba kama bedeli karto qoraalka uu ku saxiixan yahay Guddoomiye Muudeey”

29 Nov 2018 (Puntlandes) Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in imaanshaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal oo dibadda ugu maqan howlo u gaar ah aanay waxba ka bedeli doonin kala diridii Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka C/weli Muudeey ku sameeyay Guddiga Maaliyadda iyo Miisaniyadda.

Qoraal kooban oo ay soo dhigtay barteeda Facebook ayay ku tiri” “Imaanshaha Guddoomiye Mursal waxba kama bedeli karto qoraalka uu ku saxiixan yahay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka C/weli Ibraahim Muudey”

Hadalka Wasiir Khadiijo ayaa u muuqda mid jawaab u ah hadalo ka soo yeeray qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka, kaasoo sheegaya in Guddoomiye Mursal uu ka soo horjeedo kala dirida Guddiga Maaliyadda.

Inkastoo la sheegay inay sharci darro tahay kala dirida uu Guddoomiye C/weli Muudey ku sameeyay Guddiga Maaliyadda, hadana waxaa la ogeyn go’aanka uu qaadan doono Guddoomiye Mursal oo qudhiisa lagu xagliyo inuu u janjeero dhanka Xukuumadda oo la rumeysan yahay inay gadaal ka riixeysay. qorshaha lagu kala diray Guddiga Maaliyadda.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa 74% ay yihiin Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka, taasoo shaki gelineysa suura galnimada in lala xisaabtamo Wasiiro hadana ah Xildhibaano, waana taas sababta mar walba gaashaanka ay u heysato inay isaga difaacdo olole walba oo uga yimaada Baarlamaanka.

Guddiga Maaliyadda ayaa dhowaan soo bandhigay warbixin ka hadleysay wax is daba marin lagu sameeyay miisaaniyadda iyo lacago la lunsaday, waxaana dood uu Baarlamaanka yeeshay Sabtidii ku soo dhamaatay in Guddoomiye kuxigeenka 2aad uu waxba kama jiraan ka soo qaaday warbixintaas, isagoo ku tilmaamay in aan loo marin habraacii xeer hoosaadka, sidaas darteed aan mar dambe la keeni karin.

Puntlandes.com

About The Author