Akhriso PUNSAA oo qodobo kasoo saartay doorashada Puntland

29 Nov 2018 (Puntlandes) Dallada daneeyaasha aan dowliga ahayn ee Puntland (PUNSAA) ayaa waxay soo saartay sadex qodobo oo la xiriira doorashada Puntland dhawaan ka dhici doonta.


Waxayna kala yihiin qodobadu:

1 in Gudiga xaslinta khilaafaadka iyo kala saarista xildhibaanada in uu noqdo mid si dhexdhexaad ah si cadaalad ahna u dhamayn khilafaadka soo wajihi kara lehna Amaano

2 xubnaha gudiga waa in aan lagu darin siyaasiyiin xil ka haya ama ka soo qabtay dowladihii hore ee waa in laga soo xulaa bulshada qaybaheeda kala duwan waana in ay ahaadaan dad sharaf iyo karaamo ku leh bulshada reer Puntland .

3 xubnaha gudigu waa in uu noqdaa mid loo dhanyabay oo qoondo laga siiyo haweenka si ay u hubiyaan matalaad haweenka ee golaha wakiilada la soo xulayo .

PUNSAA waxaa ay sidoo kale ugu baaqaysaa dhamaan musharaxiinta xilka madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka in ay ka taxadaraan isticmalaan hadalo xanafleh oo wax u dhimi kara Amniga iyo wadajir shacabka Puntland.
PUNSAA Waxay Ku baaqaysa in dhamaan musharaxiintu ay ka qayb qaataan sugidda Amniga ayna xaddidaan ilaaladooda .

DHAMMAAD

Puntlandes.com

 

About The Author