Sawirro: Ardayda dhigata Iskuulka Sare Bursaalax oo heshay Bas

02 Dec 2018 (Puntlandes) Bas qaada Ardayda dhigata Iskuulka Sare Bursaalax oo xoogaa ka duragsan magaalada Bursaalax ayaa loo keenay.

Mashruuca Horumarinta Degmada Bursaalax ayaa dadaal badan ka dib ku guulaystay in isagoo kaashanaya dal joogta iyo qurba joogta taageera Mashruucauu wuxuu ku guulaystay inuu Ardayda Iskuulka Sare Bursaalax u keeno Bas ay baahi wayn u qabeen.

Maamulka Mashuuraca ayaa u mahad celiyey dhamaan dadkii ka qayb qaatay gaar ahaan kuwii dadaalka badan geliyey sidii ay Ardaydu ku hel i lahaayeen Bas.

Mashruuca Horumarinta oo ka kooban Iskuul Hoose/Dhexe, Iskuul Sare, Iskuul dadka waaawayn, Iskuul Farsamada Gacanta oo qalabaysan, Biyo gelinta magaalada Bursaalax, Boodhin Wiilasha, Booshin gabdhaha iyo Isbitaal wayn oo qalabaysan, waxaana uu ku soo socday tan iyo 2001dii si isku tashi bulsho ah iyadoo uu marba marka kasii dambaysa uu sii horumarayey ayna wax ku darsamayeen.


Puntlandes.com

About The Author