Senator Xuseen “Xukuumada Somaliya waxey rabtaa in qof ay magacaabatay geyso Baydhabo”

02 Dec 2018 (Puntlandes) Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo ah Xoghayaha Guddiga Dastuurka labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay Ciidamada dowladda ay ku daabuleyso magaalada Baydhabo.

Shalay iyo maanta ayay dowladda Federaalka ciidamo geysay Baydhabo ku dhowaad 200 oo askari, kuwaasoo ah Booliska dhalinyarada ah, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan ina skartan ay ilaalo ka heyn doonaan amniga xarunta Doorashada ay ka qabsoomeyso.

Senatorka ayaa sheegay in Baydhabo aaney u baahneyn Ciidan dheeraad ah, balse muhiim ay tahay in la xoojiyo Xildhibaanada u dhowaanshohooda maadaama iyaga ay yihiin kuwo wax dooranaya.

Senatorka ayaa intaas kusii daray inay aheyd in la geeyo Ciidamo dheeraad ah wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo, si ay sugaan amniga wadadaas.

Senator Xuseen ayaa ku eedeeyay Xukuumadda inay faragelin toos ah ku heyso doorashada Koofur Galbeed wuxuuna yiri “waxaa faragelin xoogan lagu hayaa guddigii doorashada, doorasho madax banaan meesha maka soocto, waxaa laga yaabaa iney iscasilaan guddigii doorashada, Xukuumadana waxey rabtaa iney magacaabato qof ay iyada rabto”

Doorahsada Koofur Galbeed, ayaa markii 3aad dib loo dhigay, iyadoo la sheegay inay qabsoomi doonto 19ka bishan Dec waxaana KG iyo guud ahaan Soomaaliya laga hadal hayaa faragelinta qaawan ee dawladda Federaalku ku hayso doorashadaas.

Puntlandes.com

About The Author