Sawirro: Madaxweynaha Puntland oo Kulan La Qaatay Guddiga Ansixinta & Xalinta Khilaafaadka Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland ee 2019.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 4 December 2018 waxaa uu marii ugu horeysay kulan la qaatay Guddiga Ansixinta iyo Xalinta Khilaafaadka Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland oo uu Madaxweynuhu shalay magacaabay.

Madaxweynaha Dowlada Puntland ayaa magcaabay gudigan oo ka kooban 7 xubnood iyo xoghayn, kadib markii madaxweynuhu kusoo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 192 December 03 2018, kuna saabsan magacaabis Guddiga Ansixinta Iyo Xallinta khilaafaadka Golaha Wakiillada Puntland (Vetting Committee).

Dhinaca kale Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa kula dar daarmay Guddiga Ansixinta iyo Xalinta Khilaafaadka Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland 2019 in ay si hufnaan iyo daacadnimo ku jirto ugu adeegaan shacabka Puntland, ayna ka shaqeeyaan sidii Puntalnd u heli lahayd gole wakiilo oo hogaamiya masiirka shacabka Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo kalmad kooban oo dar daaran ah siiyey guddiga ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa,

“Waxaa Sharaf weyn ii ah maanta in aan dad weynaha reer Puntland u soo bandhigo guddigii aan magacaabay shalay, Guddiga Ansixinta iyo Xalinta Khilaafaadka Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland ee 2019-2023, waxaan halkaan ku soo xulnay dad Soomaaliyeed, Puntlandrs ah, wadaniyiin ah, odeyaal ah, khibrad leh oo aan isleeyahay dadweynaha reer Puntland meelkasta ay joogaan way ku kalsoonaan karaan wayna soo dheweynayaan, waxaan ugu yeerey inaan la dar daarmo in ay wanaag, hufnaan iyo cadaalad ku shaqeeyaan, aan kala dar daarmo culeyska shaqada ay hayaan in ay tahay masuuliyad dadka reer Puntland oo dhan ay dhowrayaan, inaan ugu ducayno in shaqadooda Alle u fududeeyo” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay guddigan uu magacaabay in ay yihiin dad odayaal ah oo kasoo dhalaali kara shaqada ay hayaan isla’markaana soo xuli doona Gole wakiilo oo wanaagsan oo lagu aamini karo masiirka Puntland.


Puntlandes.com

About The Author