Sawirro: Guddiga Joogtada Golaha shacabka oo go’aamiyay in berri golahu kullanlkoodii caadiga ahaa yeeshaan

04 Dec 2018 (Puntlandes) Guddiga Joogtada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS oo maanta kulan deg deg ku yeeshay Xarunta Golaha shacabka ayaa go’aamiyay in maalinta berri uu Baarlamaanka yeeshaan fadhigiisa caadiga ahaa.

Kulanka Guddiga Joogtada oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa looga hadlay ajandayaasha horyaala kalfadhiga bishan December.

Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay hakadkii ku yimid kulamada Golaha Shacabka oo muddo 10 maalmood hakad ku jiray, kaddib buuq iyo muran ka dhashay warbixintii Guddiga Maaliyadda iyo kala diridii guddoomiye kuxigeenka 1aad C/weli Muudeey.

Kulanka Guddiga Joogtada Golaha Shacabka ayaa waxaa ka dhex muuqday Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee uu dhowaan kala diray Guddoomiye kuxigeenka 1aad.

Guddoomiye Maxamed Mursal oo la hadlay Guddiyada Joogtada ayaa sheegay in arrinta kala dirida Guddiga uu sida ugu dhaqsiyaha badan uu go’aan uga soo gaari doono, isla markaana uu keeni doono go’aan dastuurka wafaaqsan oo dhinacyada oo dhan raalli geliya.

Dhinaca kale Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa loo diray farriin qoraaleed lagu wargelinayo kulanka berri oo arbaco ah, waxaana ajandaha kulanka yahay akhrinta 3aad hindise sharciyeedka Leelitirka.

Puntlandes.com

About The Author