Akhriso Xildhibaano Mooshin ka keenay Heshiisyadii uu Farmaajo La Galay Dalalka Shisheeye

05 Dec 2018 (Puntlandes) 10 Xildhibaan ayaa mooshin ka keenay Heshiisyadii uu Madaxweynaha Soomaaliya la galay Dalalka Shisheeye ee aan Golaha la keenin.

10 xildhibaan oo ka tirsan xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa manta guddoonka u gudbiyey qoraal ay ku dalbanayaan in la furo dood ku saabsan heshiisyada iyo is-afgaradkii uu la galay Farmaajo dalalka Shisheeye intii uu xolka hayey gaar ahaan kuwii lala galay dalalka Eritrea iyo Itoobiya.

Qodobbada ay soo qaateen in laga doodo waxaa ka mid ahaa:

1. Heshiisyadii iyo isafgaradkii lala galay dalalka Shisheeye intii uu talada hayey madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo

2. Joogitaanka iyo keennidda ciidamo hor leh oo ka socda Eritrea iyo Itoobiya oo qeyb ka ah heshiiska la sheegay lagu mideynayo saddexda dal.

3. Cawaaqibka siyaasadeed ee ka iman kara marti-gelinta shirka saddex geesoodka ah ee lagu wado inuu ka dhaco Muqdisho iyada oo aan umadda loo soo bandhigin waxa lagu heshiiyey isla markaana anaey walaalaha Djibouti qeyb ka aheyn.

Hadaba Halkan Ka Akhriso Magacyada 10-ka Xildhibaan:


Puntlandes.com

About The Author