Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BFJS oo maanta yeeshey kulankoodi caadiga ahaa ayaa cod Aqlabiyed leh ku ansixiyay Xeerka Xuquuqda Siyaasiinta Dowladda.

05 Dec 2018 (Puntlandes) Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BFJS oo maanta yeeshey kulankoodi caadiga ahaa ayaa cod Aqlabiyed leh ku ansixiyay Xeerka Xuquuqda Siyaasiinta Dowladda.

Kulanka Xildhibaanada oo ay soo xaadireen 170 Mudane ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Guddoomiyaha oo shirka furay ayaa ka dalbaday Guddoomiyaha Guddiga Xeer Hoosaadka Maxamuud Macalin Yaxye inuu akhriyo sharciga, si loo meel mariyo.

Intaas kaddib Guddoomiyaha Guddiga Xeer Hoosaadka ayaa akhriyay xeerka xuquuqda siyaasiyiinta dowladda, waxaana uu ka codsaday Xildhibaanada in la meel mariyo, isagoo tilmaamay in talooyinkii ay tilmaameen Xildhibaanada lagu soo daray

Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa ku dhawaaqay natiijada codka ay u qaadeen Xildhibaanada Xeerka Xuquuqda Siyaasiyiinta Dowladda, waxaana xeerkaas cod gacan taag haa ugu codeysay 167 Xildhibaan, halka 1 Xildhibaan uu diiday, 2 Xildhibaan ka aamustay.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha ayaa soo xiray fadhiga, iyadoo kulankan uu ahaa mid saacad qaatay, iyadoo Xildhibaanada ay saacado fadhiyeen xarunta Golaha Shacabka.

Puntlandes.com

About The Author