Guddoomiye Mursal oo dhameynaya arrintii kala diridii Guddiga Maaliyadda

06 Dec 2018 (Puntlandes)  Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal ayaa wada dadaaladii u dambeeyay ee uu ku xalinayo xiisada ka dhalatay kala diridii Guddiga Maaliyadda ee uu sameeyay Guddoomiye kuxigeenka 1aad, taasoo sababtay in maalmo hakad ku yimaado Fadhiga Baarlamaanka.

Warar ku dhow dhow Xarunta Villa Hargeysa ayaa sheegaya in Guddoomiye Mursal uu la kulmay Kuxigeenadiisa, Xildhibaanada labada dhinacyo iyo Madaxda sare ee dalka, isagoo kala hadlay sidii xeer jajab siyaasadeed lagu xalin lahaa kala diridaas, maadaama qaab sharci ah aan markii hore loo marin.

Xildhibaan C/risaa Axmed Maxamed oo ka mid ah xubnihii Guddiga Maaliyadda ayaa sheegay in markii hore lagu fududaaday kala dirida Guddiga, isla markaana aan loo marin hab sharci ah oo xeer hoosaadka uu qabo.

“Waxaa rajeynayaa in arrintaas xal laga gaaro, Guddoomiyaha iyo kuxigeenadiisa waa ka heshiiyeen in arrin xal siyaasadeed lagu dhameeyo, maadaama aan markii hore aysan jirin xeer loo cuskaday kala dirida Guddiga, waxay ku xiran tahay sida guddiga heshiis u noqdaan”ayuu yiri Xildhibaan C/risaaq.

Waxaa uu sheegay in Guddiga Maaliyadda oo labo u kala jabay ay sabab u aheyd arrin siyaasadeed oo ka socotay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, isla markaana ay aheyd arrin la rabay in guddiga lagu kala dhantaalo.

“Guddoomiyaha wuxuu na yiri waa idinku soo war celinayaa, arrinta anigaa siyaasiyan u soo dhameynayo”ayuu yiri Xildhibaan C/risaaq Axmed Maxamed.

Kala dirida Guddiga Maaliyadda ayaa waxa ka dhashay doodo sharciyeed oo ku aadan in Guddoomiye kuxigeenka 1aad aanu u marin qodobada xeer hoosaadka, isla markaana aanu awood u laheyn inuu kala diro waxaana ka dambaysay oo gadaal ka riixaysay xukuumadda Khayre.

Puntlandes.com

About The Author