Guddoomiye Mursal, Jawaari iyo Aadan Madoobe oo go’aano ka soo saaray doorashada Koofur Galbeed

06 Dec 2018 (Puntlandes) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal ayaa maanta kulan qado u sameeyay Xildhibaanada iyo Wasiirada ee ka soo jeeda Koofur Galbeed.

Kulankan oo ahaa mid albaabada u xirnaa ayaa ka dhacay Xarunta Villa Hargeysa ee Hoyga Guddoomiye Mursal, waxaa kulanka ka dhex muuqday Guddoomiyeyaashii hore ee Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe).

Ujeedka kulanka ayaa ahaa arrimaha doorashada Koofur Galbeed iyo xaaladaha ka jira Baydhabo, waxaana intii kulanka socday laga dooday caqabadaha ku horgudban Doorashada Koofur Galbeed, waxaana Xildhibaanada qaar ku dhaliileen Guddoomiye Mursal sida uu uga gaabiyay arrimaha masiirka Koofur Galbeed.

Sidoo kale Xildhibaanada qaar ayaa si cad u sheegay in dowladda Federaalka ay faragelin ku heyso doorashada, isla markaana ay kala faquuqeyso Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweyaha.

Ugu dambeyn waxaa la isku afgartay in doorashada ay noqoto mid Xor iyo xalaal ah, isla markaana aysan jiri doonin qof gaar ah oo laga reebayo iyo in ciidamadii laga diray magaalada Muqdisho ay aheyd arrin qalad ah.

About The Author