DEG DEG: Akhriso Go’aanka Guddoomiye Mursal oo ka horyimid kala diridii Guddiga Maaliyadda

08 Dec 2018 (Puntlandes) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ka horyimid kala diridii uu Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka ku sameeyay Guddigii Maaliyadda, Qorsheynta iyo La xisaabtanka Hey’addaha dowladda.

Qoraal ka soo baxay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxaa uu ku sheegay in Guddiga ay tahay inay shaqadooda caadiga sii wataan, iyadoo Guddoomiyaha ku eegay qodobo ka mid ah xeer hoosaadka iyo Dastuurka

Guddoomiye Mursal ayaa faray Guddiga Maaliyadda inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo dhameystiraan xisaab xirka misaaniyaddii sanadka 2017 iyo miisaaniyadda sanadka 2019, ka hor inta aysan dhamaan sanadka 2018.

Dhanka kale Guddoomiyaha ayaa waxaa uu faray Xukuumadda inay u hoggaansanto shaqada Guddiga Golaha Shacabka ee kor joogteynta iyo la xisaabtanka hey’adaha dowladda.

Waxaa uu kaloo Guddoomiye Mursal uu baaqay in la dhowro madax banaanida Baarlamaanka oo ah Laanta Sharci dejinta dalka.

Akhriso qoraalka Guddoomiye Mursal

About The Author