Taliska Ciidanka xoogga oo sheegay in aan xabsi la gayn doonin Ashabaabka lagu qabto howlgalada

09 Dec 2018 (Puntlandes) Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya xubnaha ka tirsan Alshabaab ee lagu qabta howlgalada aan la geyn doonin xabsi.

Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) Taliyaha Ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in Milatariga Soomaaliya uusan dulqaad dambe u hayn, aysan dhici doonin in qof ka tirsan Alshabaab ay qabtaan oo ay xabsi u gudbiyaan.

Indha Qarshe  ayaa sheegay in hadda kadib xubnaha ka tirsan Alshabaab ee la qabto tallaabo laga qaadi doono, isla markaana aan xabsi loo gudbin doonin oo la dili doono, maaddaama iyaguba ay dilaan Ciidamada iyo saraakiisha dowladda.

Waxaa uu tilmaamay in aanay daaweyn doonin dhaawacyada Alshabaab ee lagu qabto howlgaladaCiidamada dawladda Federaalka.

Hadalkan ayuu Taliyaha ka sheegay shir jaraa’id oo wadajir ahaa oo isaga iyo Wasiirka Gaashaandhigga ku qabteen Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.

Khamiistii la soo dhaafay ayay aheyd markii Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan ciidanka xoogga dalka lagu dilay qarax miino oo ka dhacay duleedka Muqdisho, waxaa weerarkaas ku dhintay Taliyihii qeybta 12-ka April Jen. Cumar Dheere iyo Abaanduulaha Taliska Jen. Cabdi Cali Jamaame.

Puntlandes.com

About The Author