Musharaxiinta Madaxweynaha KG oo sheegay inuusan sharci ku fadhin Kusimaha Madaxweynaha & arimo kale

08 Dec 2018 (Puntlandes) Qaar ka mid ah Musharaxiinta Madaxweynaha ee Koofur Galbeed ayaa soo saaray war saxaafadeed ku saabsan arrimaha doorashada Koofur Galbeed, iyagoo walaac ka muujiyay xaalado soo kordhay.

Musharaxiintan oo kala ah Mukhtaar Roobow, Aadan Saransoor iyo Ibraahim Macalin Nuur ayaa sheegay in Kusimaha Madaxweynaha C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye uusan sharci ku fadhin, sidaas darteed wixii ka dambeeya 8-da bisha December aanu sii heyn karin xilka Kusimaha.

Sidoo kale waxaa ay sheegay in Koofur Galbeed ay wajahayo khal khal dastuur ah, isla markaana aanu Kusimaha Madaxweynaha sharci ku joogin Xafiiska, iyagoo ugu baaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka inuu diyaariyo Qaraar baarlamaani ah uu horgeeyo, inta laga dooranayo Madaxweyne la sameeyo Gole KMG ah oo loo dhan yahay

Musharaxiintan ayaa waxay ku eedeeyeen dowladda Federaalka inay faragelin ku heyso arrimaha doorashada Koofur Galbeed, dibna u celiso ciidanka ay keentay magaalada.

 


Puntlandes.com

About The Author