Villa Somalia oo gudaha ka ololaysa, wararkii ugu dambeeyay kulamadii ka socday xalay Madaxtooyada (Muudey, Cawad, Mursal, Khayre iyo Farmaajo)

09 Dec 2018 (Puntlandes) Kulamo waqti aad u dheer qaatay ayaa shalay galab ilaa xalay waa soo dhawaadkii ka socday Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo kulamadaas ay ahaayeen kuwo si kala gaar gaar u dhex marayey Guddoomiye kuxigeenada Baarlamaanka Cabdiweli Muudey, Mahad Cawad, Ra’iisul Wasaare Khayre, Fahad iyo Madaxweyne Farmaajo.

Xalay lagama seexan Madaxtooyada, waxaana kulamada diiradda lagu saarayey go’aankii Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal ku diiday kala diridii Guddiga Maaliyadda kuna faray inay howshooda sii wataan, taas oo u cuntami wayday madaxtooyada iyo Khayre ku noqday.

War lagu kalsoon yahay oo ay heshay Warbaahinta Puntlandes ayaa sheegaya in kulamada la iskula meel dhigaan qorshe ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamaanka, kaas oo Mooshin looga soo gudbiyo.

Dood iyo rog rogid dheer kadib waxa u muuqatay inay ku ceeboobayaan  oo aysan hayn wax ay kusoo eedeeyaan Gudoomiyaha, maadaama uu waqti kooban joogay xafiiska.

Dooda dheer ee dhex martay 5ta nin ayaa waxaa diirada lagu saarayey wixii sal dhig looga dhigi lahaa eedaynta Mooshinkiisa, Khayre wuxuu soo jeediyey in labada gudoomiye ku xigeen ay ku eedeeyaan in gudoomiyihu lacag si sharci daro ah ugala baxay qasnada golaha, Fahad wuxuu jeediyey in lagu eedeeyo inuu Gudoomiyihu qas iyo qalalaase ka wado Baydhabo, Farmaajo wuxuu wuxuu soo jeediyey in lagu eedeeyo musqmaasuq uu ku kacay markii uu ahaa wasiirka Gaashaandhiga xukuumadda Khayre si deg deg ahna lagu diyaariyo dukumintiyo faalso ah.

Waxay ka badin waysan in la qaato soo jeedintii Farmaajo oo ahayd inay ku eedeeyaan inuu musuqmaasuq galay markii uu ahaa Wasiirka Gaashaandhiga oo uu si musuqmaasuq ah u siiyey qandaraas shiska SKA.

Waxay kaloo Warbaahinta Puntlandes ogaatay inuu ku calaacalay Farmaajo inay ka mas’uul yihiin Khayre iyo Fahad waxa uu ku kacay gudoomiye Mursal maadaama ay markii hore isaga u keenay, iyaguna waxay iskaga difaaceen inaysan aqoon oo uu u dhuuntay.

Dhanka kale Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in Khayre isku dayey inuu ku qanciyo inuusan dib boorka uga jafin gudoomiyihu warbixintii ay aadka u dhibsadeen ee guddiga Maaliyadu keenay laakiin uu ka diiday gudoomiya Mursal uuna kusoo daray qoraalkiisii shalay. Khayre ayaa isku dayey inuu handado markii hore kadibna wuxuu usoo jeediyey Mursal inuu qaato lacag Laaluush ah laakiin wuu ka diiday iyadana.

Madaxweynaha iyo saaxiibadiis ayaa waxaa soo wajahay culayskii ugu xooganaa intii ay la wareegeen hogaanka dalka iyadoo ay horay maamul Goboleedyadii ay u kala tageen ayna istaagtay shaqadii dawladu, waxaana hada socda mowjado is biirsaday ayna adag tahay inay ka badbaadaan iyagoo wada socda.

Puntlandes.com

About The Author