Mooshinkii Yimide Maxaa la Gudboon MWne Farmaajo Dr. M A Sh. Cali (Dodishe).

Mooshinkii Yimide Maxaa la Gudboon MWne Farmaajo
Dr. M A Sh. Cali (Dodishe).

“Mineey fatuuro fiiq tiraah ninkii fadhaaya ma fayaabo.”

– Shaki ma leh inaanu fadhi oolin haddii giraantii waxay soo wareegtaba ay ku timid kursigii MWnaha, oo caawa dooddu aysan ka taagnayn Baydhabo, Kismaayo, Garowe, Dh/mareeb ama Jawhar ee doodda Golaha Shacabka hortaal ay tahay xil ka qaadista MWnaha.

– Dhaawaca maanta gaaray MWnaha wuxuu ahaa mid laga hortagi karay, mase dhicin, welise dabaqabasho iyo booga dhayid ayuu leeyahay, waase haddii lala yimaado aragti durugsan oo ku qotonta xilkasnimo, u danqasho danta guud iyo hanaanka dawladeed ee curdanka ah.

– Wadahadal iyo wadaxaajood xeerinaya danaha guud ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo uu MWnuhu la yeesho xoogaga siyaasadeed ee ka biyo diidsan siyaasadiisa, indheer-garadka iyo xoogaga bulsho, ayaa lama huraan ah, si loo hakiyo baahitaanka khilaafka oo sida tagtada dhaw aan ka baranay albaabada u fura farogelin shisheeye oo aanay cidina ka macaashin.

– Dhaqan siyaasaseedka bulshadeena xilligii ka dambeeyay dagaalada sokeeye oo ku dhisan: qaniinyaa qaniinyo kaa fujisa, ma ogolaanayo talada sare ku xusan, waxaana laga yaabaa in halkii wadaxaajood laga geli lahaa la abaabulo mooshin ku aadan xil ka qaadista Gudoomiyaha Baarlamaanka. Hadaba haddii sheekadu halkaa aaddo maxaa ka dhalan kara?

1- Kuraasta iyo xilalka ugu sareeya dalka oo ku salaysan 4.5 waxa uu noqonayaa Gudoomiyaha Baarlamaanku siyaasigii 4aad oo reer Baydhabo ah oo ay xukuumaddu dagaal la gasho muddo 8 bilood gudahood ah taasoo caqabad weyn ku noqon doonta hanaanka dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska qaranimada dalka.

2- Baarlamaanka oo kala qaybsama kadibna xirma iyo xasarado siyaasadeed oo aan la maarayn karin oo ka dhasha.

3- Xukuumadda oo ka mashquusha in ay gudato waajibaadkeeda.

4 – Amaanka oo faraha ka baxa khilaafka hay’adaha dawladda u dhexeeya awgii.

Guntii iyo gabogabadii:-

– MWne Farmaajo horay ayaad danta guud u xeerisay oo aad uga tanaasushay xilkaagii sanadkii 2011, kumana aadan khaasarin oo si guud iyo si gaar ahba waad uga faa’iiday oo waa kaa aad maanta dalka hogaaminayso oo xilkii ugu sareeyay aad hayso.

– Maanta arrinka ku horyaal ee kaaga baahan inaad xeeriso waa inaad furto albaabka wadahadalka iyo wadaxaajoodka adiga oo ka bilaabaya Gudoomiye Mursal kadibna ku baahinaya dhamaan siyaasiyiinta ka biyo diidsan hanaanka aad wax u wado.

– Ku dedaal inaadan is lahaysiinin xildhibaanada maanta agtaada jooga oo aadan iska fogayn kuwa ku dhaliilsan, siyaasadu waa meerto ee dhamaan xildhibaanada dhagyso oo talo ka qaado.

– Xildhibaanada safka hor fadhiya oo mooshinkaaga aqrinaya, sanad ka hor safkaaga ayay ahaayeen. Gudoomiye Mursalna waa ninkii aad aaminsanayd inaan dhankiisa dabayshu kaaga imanayn.

– Dhamaan dhacdooyinkaa hal darsi ayaan ka baran karnaa oo ah “Soomaali walaaloow unbaa lagu wadi karaa” ee MWne wadaxaajood ku dedaal.

About The Author