SICIRKA BARAKACAYAASHA MUQDISHO OO SI XAD DHAAF AH KOR UGU KACAY!!

Banaanbaxa muqdisho yaa Soo abaabulay?

10 Dec 2018 (Puntlandes) Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay Banaanbax madaxtooyadu soo abaabushay oo danaha laga leeyahay uu yahay in caalamka iyo ummadda Soomaaliyeedba loo tuso in madaxweynaha Soomaaliya uu wali haysto taageerada ummdda.

Warbaahinta Puntlandes ayaa heshay shaqsiyaadka ay madaxtooyadu u xilsaartay oo soo abaabulida mudaharaadka oo lacagaha u qaybiyey barakacayaasha:

1. Cabdi Cali Faarax oo ah ninka iska leh Hotel Dayax
2. Cali yare oo madaxtooyada ka shaqeeya

Mudaharaadkana ayaa waxa uu sababay in uu qaaliyoobo qiimaha la siin jiray barakacayaasha, taas oo markii hore ahayd $2 qofkiiba, horjoogahoodana $20 kiiba laakiin hadda wuxuu qiimuhu sare ugu kacay si xad dhaaf ah taas oo mudaharaadayaal deg deg ah ay Madaxtooyadu u baahatay.

Horjooyaasha oo ka faaiidaysanaya mudaharaadka deg dega ah ayaa waxay sheegeen barakacayaashu ay madhquul yihiin iyagoo qaar ay xaabo banaanka magaalada u doonteen, qaar inay tuugsi aadeen, qaarna shaqooyin xamaala ayey aadeen dood dheer kadib waxaa la isla gartay in qiimaha laga dhigo $5 qofkiiba halka horjoogahoodana noqday $70.

Dhanka kale waxaa kaloo jira 1000 dhalinyaro Ra’iisul wasaare Khayre amar kusiiyay gudomiye Yariisow in uu shaqaaleysiiyo mana jirto haba yaraatee wax shaqa ah oo ay qabtaan ee waxaa loogu tala galay in ay u sacbiyaan Farmajo iyo Khayre marka ay meel xaflad ah ka khudbeynayaan iyo in ay baraha bulshada ka caayaan Xildhibanada iyo mas’uuliyiinta qaranka oo iyagana hadda loo isticmaalayo arinta Mooshinka.

Puntlandes.com

About The Author