Gudoomiye Mursal oo Xabsi Guri Laga Dhigay

10 Dec 2018 (Puntlandes) Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xabsi guri la galiyay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan.

Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo ka mid ah xildhibaanada Golaha shacabka oo ka hadlaayay goob lagu soo dhaweynaayay Gudoomiyaha xisbiga wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in guriga Gudoomiyaha loo diiday in ay tagaan xildhibaanada qaar.

Waxaa uu sheegay in gurigiisa uu ku yaalla Gudaha Madaxtooyadda, islamarkaana dhammaan xildhibaanadii keenay Mooshinka loo diiday in ay galaan madaxtooyadda.

Puntlandes.com

About The Author