Akhriso Waraaqdii lagu dhajiyey albaabka madaxtooyada si loo go’doomiyo Gud. Mursal

10 Dec 2018 (Puntlandes) Warqad ka soo baxday madaxtooyadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in laga bilaabo maanta laga mamnuucay in ay gawaarida kasoo galaan illinka koowaad (Gate 1), iyadoo ujeedka rasmiga ah uu yahay in la go’doomiyo guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS Maxamed Mursal.

Waxaa maanta laga soo celiyay illinka laga galo madaxtooyada Xildhibaano u socday hoyga Gudoomiye Mursal ee Villa Hargeysa oo ku dhexyaal madaxtooyadda, waxaana lagu wargeliyay in amar ka soo baxay Madaxtooyada aanay geli karin.

Warqadan soo baxday maanta ayaa muujinaysa inysaan Kooxda Nabad iyo Nolol u diyaar ahayd wada hadal iyo in xal laga gaaro khilaafka xoogan ee hadda jira waxayna la tahay inay wax walba XOOG iyo HANDADAAD ku maquunin kar aan.

Arrintan ayaa ah mid ka dawladnimada keeni kartana inay qar dheer ka tuurto dibna u celiso wixii la isku ka kabayey mudada dheer ee ahayd dib usoo celinta dawladnimaddii Soomaaliya oo burburtay 1991kii oo kaligii taliye AUN Maxamed Siyaad ay ku burburtay.

Qoraalkan ayaa lagu ogolaanayaa 21 baabuur oo kaliya oo ay kala wataan Khayre iyo shaqsiyaad kale inay soo galaan madaxtooyadda, taas oo ah wax lala yaabo oo lagu qoslo.

Puntlandes.com

About The Author