Sawirro: Madaxweynaha Mooshinku ka yaal oo shaqadiisii iska sii wata kadib markii uu maanta warqadihii aqoonsiga ka gudoomay Safiiro

10 Dec 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha Mooshinka xilka looga qaadayo ka yaal Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga maanta ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee dalalka Turkiga iyo Suudaan ee Soomaaliya, isagoo Mooshin ka yaal.

Danjiraha dalka Turkiga Mudane Maxamed Yilmaz oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalkaas Mudane Rajab Dayib Ordogaan ayaa uga mahad celiyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta iyo adkeynta xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dal iyo shacab.

Madaxweynaha Mooshinku ka yaal ayaa u rajeeyey Danjiraha cusub ee dalka Turkiga in uu ku guuleysto gudashada doorka kaga aaddan adkaynta xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal, isagoona bogaadiyey dadaallada labada dawladood ee ku saleysan ka mira dhalinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Dhanka kale, Danjiraha dalka Suudaan ee Soomaaliya Mudane Khalafallaah Mustafa oo Madaxweynaha u gudbiyey waraaqahiisa aqoonsiga ayaa la wadaagay farriin bogaadin iyo salaan ah oo uu uga siday Madaxweynihiisa Mudane Cumar Xasan Albashiiri.

Farmaajo ayaa danjireyaasha uu warqadaha aqoonsiga ka guddoomay waxa uu uga warbixiyey sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee kala dhexeeya dalalka Turkiga iyo Suudaan.

Dastuurka Soomaaliya ayaa qoraya in uusan wax shaqo ah qaban karin Madaxweynahu, dalkana uusan ka bixi karin, soo saari karin Dikreeto ama saxiixi karin Xeer haddii uu Mooshin ka yaal, xildhibaano badan oo ku soo eedeeyey khiyaano qaran ayaa shalay kasoo gudbiyeuy farmaajo iyadoo isla shalay uu aq balay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxam ed Mursaöl sidaasna uu sharci ku yahay.

Waxaa cad inuusan farmaajo dan ka lahayn sharciga uu madaxweynaha ku ahaa ee lagu soo doortay, waana taas tan uu shaqadiisa isaga wataa isagoo Mooshin ka yaalo.

Arintani waxay daliil u tahay inuu Farmaajo ku tumanayo shuruucda dalka u yaal, wuxuuna inkirsan yahay dastuurkii lagu doortay.

Puntlandes.com

About The Author