Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maanta ku sii jeeda dalka Qatar iyadoo uu dalku ku jiro qalalaase siyaasadeed!!!!

12 Dec 2018 (Puntlandes)  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta ku wajahan magaalada Doxa ee dalka Qatar, halkaasoo uu ku tagi doono safar qaata mudo 6 maalmood ah.

Safarka Khayre oo horay loo sii qorsheeyey ayaa qaadanaya:

  • Labo maalmood oo booqasho rasmi ah ah
  • labo maamlmood oo uu uga qeyb galayo Madasha Doha Forum oo sanadkiiba mar la qabto.
  • Labo maalmood oo uu halkaas uga qayb gali doono maalmaha xoriyadda

 

Ra’iisul Wasaare Khayre oo tan iyo intii la uu la wareegay xilka raadinayey inuu xiriir dhow la samaysto dalka Qatar oo lacag badan oo aan Bankiyadda dawladda lasoo marin bil walba soo mariya Fahad Yasin ayaa hadda helay jaanis uu gaadayey muddo dheer kaas oo ay dawladda Qatar lacag toos usoo marin doonto sida Fahad.

 

Dhanka kale safarka Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ku soo aadaya iyadoo uu dalka uu ka jiro qalalaase siyaasadeed oo ka dhashay Mooshin xilka looga qaadayo Madaxweyne Framaajo.

Safarkan ayaa muujinaya inaysan danta dalka iyo dadka aysan dan ka lahayn kooxda la baxday Nabad iyo Nolol ee Soomaaliya hogaankiisa haysa.

Puntlandes.com

About The Author