Wasiiradda Xildhibaanada ah oo lagu qasbay inay kasoo qayb galaan kullan lagu taageerayo Madaxweynaha Mooshinku ka yaal
15 Dec 2018 (Puntlandes) Xildhibaanada taageersan Madaxweynaha uu mooshinka xil ka qaadista ka yaallo ayaa maanta kulan ku leh mid ka mid ah Hotelada magaalada Muqdisho.
Kulankan oo ahaa mid maalmihii la soo dhaafay la qaban qaabinayay ayaa ujeedkiisa yahay mid dhoolatus loogu muujinayo tirada Xildhibaanada taageersan Madaxweynaha ee ka hor-jeeda Mooshinka.
Xildhibaanada taageersan Madaxweynaha iyo Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ugu badan Xildhibaanada wasiirada ah waxayna tan iyo xalay farriimo qoraaleedyo u dirayeen xildhibaanada taaggran madaxda dawladda, si ay uga soo qeyb galaan kulanka qadada ah oo ka dhici doona Hotel SYL.
Xildhibaanada wasiirada ah ayaa amar lagu siiyey inay taageeradooda shacabka u muujiyaan, waxayna ku dhaqaaqeen abaabula kullankan iyagoo kursigooda u baqaya laakiin aan ku qanacsanayn sida xukumaddu wax u maamulayso oo jajuubka uun ah.
Inaysan ku qanasnayn qaabka ay dawladu wax u wado waxaana daliil u ah haddii Madaxweynuhu haysto majooratiga golaha wuxuu ogolaan lahaa in codka kalsoonida loo qaado waana midaas sababta uu u diidan yahay in Mooshinka Baarlamaanka la horgeeyo.
Puntlandes.com