Daawo Video: Gudoomiye Mursal oo ka hadlay qalalaasaha KG ka socda & khilaafka Golaha shacabka & Madaxtooyada (Akhriso)

15 Dec 2018 (Puntlandes) Guddoomiyaha golaha Shacabka baarlamaanka JFS Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa shir jaraa’id uu kaga hadlay arrimo badan ku qabtay magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Mursal ayaa ugu horayn waxa uu ka hadlay xaaladda Siyaasadeed ee ka taagan Dawlad Goboleedka Koofur Galbeed iyo xariga Mukhtaar Roobow.

Guddoomiye Mursal ayaa sharci daro ku tilmaamay xariga Mukhtaar Roobow, waxaana uu sheegay in Roobow uu buuxiyay dhamaan sharuudihii musharaxnimo ee laga doonayay inuu kaga qeyb galo doorashada Koofur Galbeed.

Gudoomiyaha ayaa carabka ku adkeeyey in Xariga Mukhtaar Roobow uu muujiyo sida loo baalmaray Dastuurka, maadaama aan loo jarin warqad lagu xirayo, taasi badalkeeda qoorta laga soo qabtay.

Guddoomiye Mursal ayaa cadeeyay in rabitaanka Shacabka Koofur Galbeed loo baahan yahay in la tixgeliyo wuxuu dalbaday in dib loo dhigo doorashada, islamarkaana xal laga gaaro arimaha taagan lana dajiyo sida ugu dhaqsaha badan.

Dhanka kale Gudoomiye Mursal oo ka hadlay cakirnaanta siyaasadeed ee ka jirta Muqdisho una dhaxaysa Golaha Shacabka iyo Madaxtootadda ayaa wuxuu sheegay in isaga iyo xildhibaanada la safan loo diiday inay dhaqdhaqaaq ka sameeyaan magaalada, isaga oo caddeeyey in xildhibaanada ay xor yihiin oo aan la caburin karin.

Qodobada uu Gudoomiyuhu ku baaqay ayaa ahaa:

  1. In shacabka reer Koonfur Galbeed ay is dejiyaan, nabadda adkeeyaan, sharcigana dhowraan.
  2. In Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed ay dib u dhigaan doorashada Madaxweynaha inta lagahelayo jawi xasiloon oo ku haboon qabashada doorasho xor iyo xalaal ah.
  3. In ku simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu ka shaqeeyo dejinta iyo qancinta shacabka iyo dib u soo celinta kala danbeyntii.
  4. In odayaasha dhaqanka ay muujiyaan kaalinta dhaqan ee ay ku leeyihiin nabbada iyo wadajirka guud ahaan ummada Soomaaliyeed gaar ahaana Shacabka Koonfur Galbeed.
  5. In musharaxa xiran xorayadiisa dib loogu soo celiyo sida ugu dhakhsaha badan loona ogolaado in uu degaankiisii ugu laabto si nabad ah.


Akhriso qoraalka Guddoomiye Mursal

Puntlandes.com

About The Author