War Saxaafadeed golaha Iskaashiga Dowladda Federaalka waa in ay joojisaa faragelinta doorashada KG.

Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada somalia waxay tacsi halkaan oga dirayaan dhamaan shacabka reer koonfur galbeed dadkii ku dhintay mudaharaadyadii ka socday Baidawa waxaanan ilaahay oga baryayna naxariistii janno intii ku dhaawacan tayna in ilaahay si dhaqso ah ugu boog dhayo.

Goluhu maxuu marar badan ka digay in faragalinta laga joojiyo maamul goboleedyada si loo helo amni iyo siyaasad xasiloon si dalkaan loo gaarsiyo horumar iyo amni lagu kalsoon yahay, laakin Dowlada federalka waxay doorbiday in dalka Somaliya la kala furfuro si ay dano gaar ah oga dhex raadsato, waxayna taas keentay waxii aan horay oga dignay oo ahaa amni daro iyo khal khal siyaasadeeed

Goluhu waxuu mar saddexaad ka digayaa in Dowlada Federalku ka dayso faragalinta doorashooyinka Dowlad Goboleedyada si loo helo doorasho xor iyo xalaal ah.

Waxaan oga digaynaa ciidamad magaca Amison wata oo shacabka koonfur galbeed ku laynaya in ay ku ekaadan shaqada loo idmada sida ku cad qaraarkii golaha amniga oo ah.1737.ku taarikhysnaa 6th December 2006.

Goluhu wuxuu soo dhawaynayaa warsaxaafaddedkii uu soo saray SRSG oo ahaa in la dhowro nabadgalyada iyo xasiloonida dalka lagana fogaado wixii keeni kara khalkhal amni iyo mid siyaasadeed.

Shacabka Koonfur Galbeed waxay Dastuurku siinayaa in ay u madax banaan yihiin banaan baxyo ay ku muujinayaan cabashadooda.
Golaha iskaashiga Dowlad Goboleedyada Somaliya waxay beesha caalamka, urur goboleedka IGAD iyo Amison u cadaynayaa in masuuliyada dhiiga shacabka soomaliyeed ee ku daadanaya Baidhaba ay qaadi doonto Dowlada Dhexe, sidaas darteed Goluhu waxuu codsanayaa in la joojiyo dhiiga shacabka koonfur galbeed.
.
و بالله توفيق

———————————————–DHAMAAD——————————————-

Puntlandes.com

About The Author