Madaxtooyadda oo markale xayiray Gudoomiye Mursal

15 Dec 2018 (Puntlandes) Warar ka imaanaya Muqdisho ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu markale go’aan ku gaaray inuu go’adoomiyo gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Mursal ayaa kasoo guuray Villa Soomaaliya kadib markii loo diiday inuu wax dhaq dhaqaaq ah sameeyo ,tiiyoo ay jirto in laga jartay biyihii, cuntadii iyo korantadii. Hada waxaa uu dagan yahay Hotelka Shabeel oo ku dhow garoonka Aadan Cade.

Xalay ayuu markale Farmaajo ciidamo ku daadiyay jidadka soo gala goobta hada uu dagan yahay Mursal. Waxaa ugu daran in loo diiday in xildhibaanadu ka gudbaan koontaroolka KM4 ee aada dhanka garoonka diyaaradaha.

Sidoo kale ciidamo ayaa lagu daadiyay wadooyinka ka yimaada dhanka Madino Gate iyo xaafadaha ka dambeeya UNDP. Xildhibaanada ayaa markale loo diiday iney Mursal u tagaan, waxaana lagu yiri xildhibaankii raba ha lugeeyo.

Xaalka ayaa u muuqda mid sii xumanaya lamana yaqaano meesha ay wax ku dambeyn karaan, madaxdii dawladdi Federaalka ahayd waxay u xuubsiibateen Kalitaliyayaal aan waxna arag waxna maqal.

Puntlandes.com

About The Author